Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay heshiis ku saabsan in ciidamada Dowladda Itoobiya lagu daro Howlgalka Xasilinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Heshiiskan ayaa ku yimid kadib wadahadallo dhexmaray Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka dhacay Addis Ababa intii u dhaxeysay 14-ka ilaa 16-ka bishan, halkaas oo labada dhinac ay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga militeri.
Sabtidii, Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya, General Birhanu Jula ayaa booqday Muqdisho. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Safiirka Redwan Hussein, oo ah madaxda Hay'adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee Itoobiya (NISS), taas oo muujinaysa muhiimada booqashada. Waxaa soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, General Odawa Yusuf Rage, iyo Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe].
Wadahadalladu waxay diiradda saarayeen khataraha amniga gobolka, dadaallada ka dhanka ah argagixisada, iyo xasiloonida guud ee Geeska Afrika. Labada dal ayaa mar kale xaqiijiyay inay ka go'an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna aqoonsadeen doorka muhiimka ah ee howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo 2007-kii.
Heshiiska ayaa dhammaystiraya doorka Itoobiya ee AUSSOM, iyadoo la hubinayo in joogitaanka ciidamada Itoobiya uu la jaanqaadayo waajibaadka howlgalka. Heshiiskan SOFA-ga ah ayaa la filayaa inuu noqdo dhagax-dhigga Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee ballaaran, oo la saxiixay bishii Diseembar 2023.
In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.
Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahaan doonto hay'adda kaliya ee la socota qorsheyaasha amniga ee ay la leeyihiin ciidamada shisheeye, taas oo ah ballanqaad muhiim ah, gaar ahaan markii laga fiirsado xiisadaha hore ee ku saabsan hawlgallada milateri ee Itoobiya ee gobolka.
Taliyeyaasha difaaca ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiyaan taageerada ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo hubiyo isbeddelka habsami leh marka AUSSOM uu dhammeeyo waajibaadkiisa. Wadaagista xogta sirdoonka, hawlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah argagixisada, iyo dhisidda awoodda milateri ayaa noqon doona tiirarka iskaashigan joogtada ah.
Heshiiskani wuxuu ka dambeeyay kadib markii Itoobiya iyo Soomaaliya ay heshiis ku gaareen soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, kadib khilaaf muddada sanadkii ee ka dhashay heshiiska Itoobiya ee ku saabsan marin biyoodka badda Somaliland. Heshiiskan waxaa lagu soo afjaray Qaraarka Ankara ee uu dhex dhexaadiyay Turkiga.
Bishii Janaayo 2024, Itoobiya waxay saxiixday heshiis ay la gashay Somaliland, oo ah gobol isku magacaabay madax-bannaani oo ka tirsan Soomaaliya. Heshiisku wuxuu Itoobiya siiyay 20 kiiloomitir oo xeeb ah oo ka tirsan Somaliland, gaar ahaan agagaarka magaalada dekadda Berbera, si loo horumariyo xarumo badda iyo ganacsi.
Bedelkiisa, Itoobiya waxay ballanqaaday inay aqoonsan doonto madax-bannaanida Somaliland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintan u arkaysay inay xadgudub ku tahay madax-bannaanideeda, taasoo keentay xiisado diblomaasiyadeed iyo hanjabaado ku aaddan in la eryo ciidamada Itoobiya ee ku howlan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.
GAROWE ONLINE