Madaxda Somalia oo dirtay hambalyo ku aadan ciidul Adxa

Image

24 September, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u direy guud ahaan ummadda Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda ciidul Adxa awgeed, waxaana uuna ku booriyay in ay is cafiyaan.

Mudane Xasan ayaa sidoo kale sheegay in maalmahan fadliga leh awgeed loo baahan yahay in la caawiyo dadka danta yar isla markaana laga farxiyo si dadka kale ula qeybsadaan farxadda munaasabadda ciida.

Madaxweynaha waxaa uu dadka Somaliyeed u rajeeyay inay ciiddan ciideeda ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu tacsi u direy ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, halka kuwii ku dhaawacmayna ilaahay ugu baryay caafimaad deg deg.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa dhankiisa hambalyo u direy dadka Somaliyeed munaasabadda Ciidul Adxa awgeed.

Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” oo diray hambalyo la mid midda ay direen madaxweynaha iyo  Ra'isul wasaraha ayaa shacabka Somaliyeed ku adkeyay inay bixiyaan sadaqada isna cafiyaan.

Maanta oo Khamiis ah ayaa goobo badan oo caalamka ka mid ah laga ciidi doonaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM