Madaxda Soomaalida oo kuwada sugan Dhuusamareeb

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta ku biiray hogaamiyeyaasha ku sugan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Deni iyo Axmed Madoobe oo ay wehliyaan wafdi ayaa Talaadada maanta ah waxay siyaabo kala duwan ku gaareen Dhuusamareeb, iyadda oo uu soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor].

Axmed Madoobe ayaa Dhuusamareeb ku tegay diyaarad, halka Deni uu diyaaradda uga soo degay Cadaado isla markaana uu socdaal dhanka dhulka ah kusoo galay magaalada sababo ku aadan “feejignaan amni".

Shalay waxaa Dhuusamareeb ka degay madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kuwaas oo xalay si gaar ah u shiray kahor inta aysan ku biirin Deni iyo Madoobe.

Wadahaaladda ayaa la filayaa in ay bilowdaan maalinta berri oo qorshaha uu horey u ahaa in lasoo gabagabeeyo isla markaana uu shirku furmo 1-da Febraayo.

Qodobadda lagu waddo in madaxda ay diiradda saaraan xalkooda ayaa kala ah; ciidamadda dowladda ku daabushay gobolka Gedo, guddiyadda doorashooyinka ee lagu muransan-yahay iyo xulista wakiiladda Somaliland ee baarlamaanka.

Inkasta oo qadiyadahan ay madaxda ka heshiisay 17-kii September, 2020, haddana waxaa khilaafka ka taagan yahay qaabkii loo fulin lahaa.

Muddo xileedka madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu dhamaanaya 8-da Febraayo, waxaana muuqaneysa in shirka uusan soo idlaan doonin kahor taas oo meesha ka saareysa kulankii uu la qaadan lahaa xubnaha Labada Aqal ee xeerdejinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kadib Xayiraad Mudo Socotay

Mudadii ay xayiraaddu jirtay, dad badan oo ka yimid gobolka Gedo ayaa la daalaa dhacayay helitaanka adeegyada caafimaad.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 01:25PM

Muqdisho: Imisa ku dhimatay, kuna barakacday Roobkii Fatahaadda sababay?

Sanadkii 2023, in ka badan 100 qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan hal milyan qofna ay ku barakaceen daadad la xiriiray cimilada El Niño.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 09:38AM