Madaxdii hore uu Axmed Madoobe u hambalyeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Mucaaradka, oo ay ku jiraan madax hore ayaa durba hambalyo aan soo daahin u diray Axmed Madoobe, oo maanta markii 3aad dib loogu doortay xilka Madaxweynaha maamulka Jubaland kadib doorashadii ka dhacday Kismaayo.

Halkan ka akhriso war-saxafaadeedka

Waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Baarlamaanka Jubaland u doortay in uu hogaamiyo Dowlad Goboleedka Jubaland shanta sano ee soo socota. Waxaan Allaah ugu baryayaa in uu u fududeeyo mas'uuliyadda culus ee loo doortay.

Doorashada Jubbaland waxay meesha ka saartay muddo kordhintii sharci darrada ahayd ee madaxda dowladda Federaalku ku cadaadinayeen Dowlad Goboleedyadda Dalka.

Waxaan uga digayaa madaxda dowladda Federaalka in Ciidamada Qaranka loo adeegsado danno siyaasadeed waana in laga fogaado xasarad abuurka iyo qalqalgalinta deegaannada Jubaland.

Ugu dambeyn, waxaan usoo jeedinayaa Madaxweynaha Jubaland in uu kaalin mug leh ka qaato xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee cakiran.

Sidoo kale, Xasan Cali Khayre ayaa Axmed Madoobe ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa, isagoo dhanka kalena cambaareeyay tallaabooyin ay qaadeyso dowladda Soomaaliya ee Ciidanka ugu dirayso Jubaland degaano kamid ah, si ayuu yiri dagaal u huritaan.

Halkan ka akhriso war-saxafaadeedka

Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland. Waxaan ugu baaqayaa in uu mudnaanta koowaad siiyo dib-u-heshiisiinta Jubbaland, la dagaallanka Khawaarijta, iyo xasilloonida Jubbaland.

Waxaa nasiibdarro ah in Madaxda Dowladda Federaalku oo uu riixayo damac gurracan ay ciidankii qaranka ku sii daadgureynayaan Jubbaland, si ay colaad uga huriyaan deegaanka. Waxaana ugu baaqayaa in ay degdeg u joojiyaan hurinta colaaddan oo fursad siinayso khawaarijta, halis gelinaysa xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka, sidoo kalena wiiqaysa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Doorashada Jubbaland waxa ay jid iyo jiho u yeelaysaa doorashooyinka Dowladda Federaalka iyo Dolwad-Goboleedyada oo hubanti la’aan ku jiray. Waxaan madaxda dolwad-goboleedyada Galmumug, Koonfur-Galbeed, iyo Hirshabeelle ugu baaqayaa in ay degdeg u qabtaan doorashooyinka dowlad-goboleedyada, si waafaqsan dastuurka dalka iyo dolwad-goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM