Xubnaha Somaliland kaga xirnaa Baran Sanaag oo la sii daayay

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi , iyo guddoomiyaha hay'adda Samofalka Taakulo, Cumar Jaamac Faarax, oo xorriyadoodi dib u helay.

Labada mas'uul oo ka tirsan Somaliland, oo shalay lagu qabsaday degmada Badhan, ayaa goor dhoweyd oo ay la soo xidhiidheen BBC waxay u cadeeyeen in xorriyadoodii loo celiyay oo la soo daayay dhammantood oo ka koobnaa sideed ruux.

Waxay sheegeen in ciidamo deegaanka Sanaag bari oo taageersan Puntland ay ku haysteen magaalada Badhan, wax dhibaato ahna aanay u geysan.

Mas'uliyiintan oo haatan ku soo jeeda degmada Ceerigaabo, waxay markii hore u tageen deegaanka Sanaag Bari wacyigelinta diiwangelinta codbixiyaasha doorashada Somaliland ee la filayo march 2017.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ku murma degaanada Sanaag Bari.

Xigasho: BBC

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM