Madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir oo "is-casilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah shaacisay in uu shaqada ka tegay madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir.

War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee NISA ayaa sababta ku sheegay khilaaf soo kala dhex-galay ururka.

NISA ayaa sheegtay in maleeyshiyaadka xiriirka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida ay laba garab noqotay.

"Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Al-Shaabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin [Mucaawiye], oo 39-jir ah, oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay," ayaa lagu yiri bayaanka oo aad u koobnaa.

Amniyaatka waa mid kamid ah waaxyaha ugu muhiimsan ururka, waxaana shaqadda ay qabato ay tahay mukhaabaraadka iyo xuuraanka.

Bishaan Febraayo 3-deeda ayay ahayd markii NISA ay baahisay in ay isku dhaceen hogaanka sar-sarre ee xoogagaas hubeysan.

"Axmed Diiriye, Horjoogaha Argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho," ayay xiligaas NISA ku baahisay isla barteeda Twitter-ka.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo cambaareeyay qoraalka NISA ayaa ku tilmaamay "wax aan macno lahayn maadaama ku fashilantay in ay ka hortagto weerarada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM