Madaxii canshuuraha Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay qabteen madaxii canshuuraha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose kadib howlgal ay ka sameeyeen degaanka Janaale.

Maxamuud Yuusuf Mansuur ayaa waxaa lagu waramayaa in lala soo xiray dhowr dagaalameyaal oo ilaaladiisa ahaa.

Illo dhanka amniga ah ayaa xaqiijiyey in Mansuur iyo xubnaha kale ay ku socoto baaritaan isla markaana ay suurtagal tahay in loosoo dhoofiyo Muqdisho, si baaritaanka loo dhameystiro.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadaan oo kaso baxdey dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

16-kii bishaan Maaj, 2020, ciidamada xoogga ayaa la wareegay degaanka Janaale iyagoo garab ka helaya howlgalka AMISOM.

Janaale, oo caan ku ah beeraha isla markaana leh Buundo muhiim ah, ayaa la rumeysan yahay in ay fariisin u ahayd howlgalada maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada argagixisada Al-Qaacida.

Howlgalka qabashada Janaale oo loogu magac-daray Badbaado 1 waxaa kasii horeeyay duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada Mareykanka ay ku laayeen in ka badan tobban kamid ah xubnaha Shababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM