Madaxtooyada Turkiga oo gudbisay mooshin saameynaya Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Madaxtooyadda Turkiga ayaa shalay baarlamaanka dalkaas u gudbisay mooshin qeyb ahaan saameynaya biyaha Soomaaliya.

Mooshinkaas ayaa ku saabsan in muddo kordhin loo sameeyo ciidamadda ka jooga Gacanka Cadan, biyaha Soomaaliya iyo Badda Carab.

Xeer-dejinta ayaa ka doodi doonta soo jeedintaas maanta oo Arbaco ah, waxaana qorshuhu yahay in kadib ay cod u qaadaan.

Sidda ku xusan mooshinka, muddo kordhinta ayaa waxaa la doonayaa in ay bilaabato 10-ka bishaan Janaayo, sanadka 2020-ka.

Muddo kordhinta ayaa ah hal sano, taasoo la macno ah in ay dhameyn doonto 10-ka Febraayo sanadka soo aadan ee 2021-ka.

Sanadkii 2008-dii ayay ahayd markii ugu horeysay oo mooshin noocaan ah loo gudbiyey baarlamaanka Turkiga. Tani macnaheedu waxay tahay in 12-jeer la kordhiyey tan iyo xiligaas.

Biyaha Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamada dalal kala duwan, kuwaasoo ogolaanshiyo ka haysta Qaramada Midoobay, isla markaana waajibaadkooda la dagaalanka burcad-badeeda.

Turkiga ayaa quudareynaya in muddo kordhintaan cusub uu kaga faa'iideysto in uu biyaha Soomaaliya kusoo daabulo maraakiib iyo diyaarado dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM