Madaxtooyadda Soomaaliya oo loo diray digniin la xiriirta doorashadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xasaanada Villa Soomaaliya si lamid ah madaxweyne Farmaajo ayaa ku xiran muddo xileedka dastuuriga ah, hadii uu ka dhamaadanaya ma yeelanayaan maamus, sidda uu shaaciyey Xildhibaan.

Cabdiraxmaan Odowaa, mudane ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa ka digay in waqtiga uu ka dhaco madaxweynaha iyaddoo aan heshii siyaasadeed laga gaarin nooca lagu galayo coddeynta soo aadan ee 2020-21.

Xoghayaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo xusay in xil-wareejinta ku dhacda qaabka nabdoon ay muhiim u tahay xasiloonida dalka ayaa carabka ku adkeeyay "in Soomaaliya ay u jilcan tahay isku dhejinta kursiga".

Isagoo ka hadlayey dood Muqdisho loogu qabtay xisbiyadda siyaasadda, Odowaa ayaa xoojiyey dooda ay qabaan siyaasiyiin badan oo ah hadii Farmaajo diido in uu nabad ku wareejiyo kursiga uu dhici karo isku dhac.

"Aniga waxaan taaganahay Madaxweynaha hadii waqtigiisa dhamaado wax u haray malahan; annaga iyo madaxweynahana waxaan noqoneynaa dad guriyahooda jooga. Villa Soomaaliya ruuxeeda waxay isku bedeleysaa gurri la degan yahay; Villa Soomaaliya waxay Villa Soomaaliya ku tahay mandate-ka timing-ka [muddo xileedka afarta sano ah]," ayuu xusay.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in doorashooyinka waqtigooda ku qabsoomaan ayaa xukuumadii dhacdey ku eedeeyay in aysan dalka u diyaarin qof iyo cod.

"Xasan Cali Khayre wuxuu u qaatay in Farmaajo kursiga sadaqo ku siiyey, Farmaajana wuxuu u qaatay kursiga in uu isagu leeyahay oo loo shaqeeyo, niyow dimuqraadiyaddu sidaas maahan, xisaabinta ayaa ka maqan, waxay sameeyeen; baarlamaankii waa la gaday nus wasiiraa laga dhigay, nusna mushaharaa loo qoray, guddoonkii waa lala diriray, wixi waa la kala haatiyey, maxaa xumaadey isla xisaabtankii; markii dambe iyagaa is-cunay," ayuu u sheegay Goobjoog Tv.

Odowaa ayaa raaciyey: "Labada kaaba-laadar shirkii Dhuusamareeb ayaa la isku soo arkay, Xasan Cali Khayre waa looga horumaray".

Nooca lagu galayo doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya ayaa ah ajendaha ugu culus ee la doonayo in looga heshiiyo Dhuusamareeb 3 kaasoo loo balansan yahay 15-ka August, waxaana is haya laba dood oo xoogan.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa u han-qal-taageysa doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradka iyo dowlad goboleedyadda oo rumeysan in waddanka u diyaar-saneyn ay soo jeediyeen in lagu aado nooc la isla ogol-yahay.

MUUQAALKA ODOWAA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM