Madaxweyne xigeenka Jubaland oo soo laabtay

Image

Sabti, Sept 13, 2014 (Garowe Online)- Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil "Fartaag'' ayaa maanta Sabti dib ugu laabtay magalada Kismaayo.

Wasiirro ka tirsan maamulka Jubbaland iyo dadweyne boqollaal gaaraya ayaa wafdiga oo muddo bil ah dalka dibadiisa ku maqnaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaraaha Kismaayo.

Xarunta madaxtooyada Kismaayo ayaa loo gelbiyay wafdiga ayagoo lagu wado in ay war saxafadeed qabtaan kana waramaan socdaalkoodii qaatay mudada dheer.

Dalalka Kenya iyo Turkiga ayuu gaaray Fartaag isagoo Turkiga kula soo kulmay hay'addo ka shaqeeya horumarka iyo taageridda dadka Soomalida, ballan qaadyo badan ayaana loosoo sameeyey.

Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta oo lagu wado 16-ka bishaan inuu qabsoomo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM