M. DF oo booqasho aan la shaacin ku tagey Imaaraadka Carabta

Image

Wararka warsidaha GO ka helayo ila lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka ah Xasan Shiikh maanta booqasho aan la shaacin ugu amabaxaey wadanka imaraadka Carabta magaalo madaxdiisa Abu Dhabi.

Madaxweynaha Dowlada Somalia ayaa safarkaan aan la shaacin ugu soo amabaxey dalka Imaraadka Carabta kadib markii uu kulan maanta la qaatey xoghayaha QM Ban Ki-moon.

Safarka Madaxweynaha ayaa wararka la helayo sheegayaan inuu la xiriiro khilaafka u dhexeeya isaga iyo wasiirka koowaad ee dowlada Federaalka ah Cabdiweli Shiikh.

 Wadanka Imaraadka Carabta ayaa la filayaa inuu isku dayo dhexdhexaadinta labada mas'uul ee ugu sareeya dowlada Federaalka.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya khilaafka labada dhinac ayaa sheegaya inuu marayo halkii ugu sareysay iyadoo Xildhibaanada dowlada Federaalka oo tageersan Madaxweyne Xasan Shiikh gudbin doonaan maalinta berri ah mooshin ka dhan ah Ra'isl wasaraha Somalia.

Ra'isla wasaaraha Somalia Cbadiweli Shiikh ayaa isagana dhinaciisa kulan la qaatey xoghayaha QM Ban Ki-moon iyo safiirada fadhigoodu yahay magaalada Muqdishu kuwaasoo kala hadley sidii xal looga gaari lahaa khilaafka labada mas'uul.

Wasiirka Kowaad ayaa sidoo kale kulamo la qaatey odayaal ka tirsan beesha Abgaal ee uu kasoo jeedo Madaxweyne Xasan Shiikh.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia uu xirxirey shakhsiyaad ka tirsan qabiilka Abgaalka kuwaasoo ku eedyeey inuu ku khaladan yahay khilaafka ka dhexeeya isaga iyo Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM