Madaxweynaha DFS oo baaq u direy beesha caalamka

Image

27 August, 2015 (GO)-Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud  ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay  gar-gaar lasoo gaaraan shacabka ku nool degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Madaxweynaha oo shacabka a Diinsoor kula hadlay meel fagaaro ah ayaa sheegay in dowladda Somalia ay taageero dhan kasta ah la garab taagan tahay bulshada degmadaasi,wuxuuna xusay inay degmada u dhisayaan ciidamo ammaannkeeda ilaaliya si aysan Al-shabaab ugu soo laaban.

"Waxaan shacabka degaankan u sheegayaa in dowladda ay gacan buuxda idin ku siineyso dib u soo celinta adeegyada muhiimka ee aad u baahan tihiin, waxaana beesha caalamka ugu baaqeynaa inay dadka deegaanka ka caawiyaan wixii taageera ah ee ay u baahanyihiin"Ayuu Xasan Sheekh.

Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayuu xasan madaxweynuhu inay iska kaashan doonaan hormarinta iyo adkeynta amniga degmada Diinsoor.

Shalay ayay ahayd markii Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh booqdey degmada Diinsoor oo muddo dheer ka maqnayd gacanta dowaladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM