Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo degmada Cadaado gaarey

Image

April 14, 2015 (GO)- Magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud waxaa maanta gaarey si weynna loogu soo dhoweeyey wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha waxaa safarkiisan ku weheliya xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

Mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka ximin iyo xeeb, madax dhaqameed iyo boqollaal dadweyne ah oo watey calanka Soomaaliya iyo caleemo qoyan ayaa wafdigaas si diirran ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Ammaanka si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana degmadaas horay u gaarey ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran iyo ilaalada madaxtooyada.

Xasan Sheekh muddada uu Cadaado ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa mas'uuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb, madaxda dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Wuxuu sidoo kale kormeer ku tegi doonaa goobta la qorsheeyey inuu ka dhaco shirka maamul u sameynta Galguduud iyo koonfurta Mudug.

Todobaadkii hore, Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegey Dhuusomareeb wuxuu sheegay in shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ka dhici doono Cadaado, magaalo madaxda maamulkaasina noqon doonto Dhuusomareeb.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka Ximin iyo Xeeb ayaa kasoo horjeestey go'aanka Madaxweynaha iyagoo sheegay inuusan xaq u lahayn inuu go'aamino halka ay noqoneyso magaalo madaxda maamulkaasi.

Booqashadan oo ah tii ugu horreysey ee Madaxweynaha Soomaaliya ku tago magaalada Cadaado waxaa la filayaa inay qaadato muddo hal maalin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM