Madaxweynaha Galmudug oo wadahadal ku baaqay

Image

28 September, 2015(GO)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maamulka Ahlusunna ugu baaqay wadahadal ku saabsan khilaafka u dhaxeeya.

Guuleed ayaa hadalkan sheegay xilli uu soo gaaray magalada Cadaado isagoo ka soo laabtay Muqdishu oo uga qayb galay shirkii looga hadlay arrimaha Somalia oo dhawaan Xamar lagu soo gaba-gabeeyay.

Ururka Ahlu sunna Waljamaaca ayuu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan wadahadal si loo dhameeyso khilaafka jira, isla markaana nabad iyo  horumar  loo horseedo deegaannada Galmudug.

Baaqa Guleed ayaa imaanaya xilli 8 qof ku dhinteen tiro intaasi ka badanna ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay degmada Caabudwaaq bishii la soo dhaafay kaasi oo u dhaxeeyay labada maamul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM