Madaxweynaha Galmudug oo wadahadal ku baaqay

Image

28 September, 2015(GO)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maamulka Ahlusunna ugu baaqay wadahadal ku saabsan khilaafka u dhaxeeya.

Guuleed ayaa hadalkan sheegay xilli uu soo gaaray magalada Cadaado isagoo ka soo laabtay Muqdishu oo uga qayb galay shirkii looga hadlay arrimaha Somalia oo dhawaan Xamar lagu soo gaba-gabeeyay.

Ururka Ahlu sunna Waljamaaca ayuu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan wadahadal si loo dhameeyso khilaafka jira, isla markaana nabad iyo  horumar  loo horseedo deegaannada Galmudug.

Baaqa Guleed ayaa imaanaya xilli 8 qof ku dhinteen tiro intaasi ka badanna ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay degmada Caabudwaaq bishii la soo dhaafay kaasi oo u dhaxeeyay labada maamul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM