Madaxweynaha Jubaland iyo Ra'iisul Wasaaraha oo kulan yeeshay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Axmed Madoobe iyo Rooble ayaa la sheegay in ay kawada hadleen in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Madaxtooyadda Jubaland oo fahfaahin kooban kasoo saartey wadahadalka ayaa daaha ka rogtay in uu ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda waddanka iyo coddeynta 2020-21.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble," ayay tiri.

Qoraalka ayay raacisay: "Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa kawada hadley in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey".

Dhanka kale, isla maanta siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa la shiray Rooble. Qoraal uu Facebook soo dhigay ayuu fahfaahin ku bixiyey.

"Kulan saacado qaatay ayaan maanta wada yeelannay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diiradda u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso doorashada oo xilligeeda ku dhacda si caddaalad iyo sinnaan lehna u dhacda," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, dadaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinnaado".

Kulamadaan ayaa qabsoomaya xilli Rooble uu shalay helay kalsoonida Golaha Shacabka isla markaana looga fadhiyo in uu muddo 30 casho ah kusoo dhiso xukuumad uu shaaciyey in ay "tayo" yeelaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM