Madaxweynaha Jubaland oo abaal-marin guddoonsiiyay Ciidamada Mareykanka 

Image

KISMAAYO, Soomaaliya – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa booqasho dhiirrigelin ah ugu tegay ciidamada Mareykanka ee hoos yimaada Taliska Afrika ee Mareykanka (AFRICOM), kuwaas oo ka howlgala koonfurta Soomaaliya, isagoo ammaanay kaalintooda muhiimka ah ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada xasilinta gobolka.

Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyay ciidamada Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan tababarka ciidamada, hawlgallada wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada, iyo dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidamada Mareykanku ay door weyn ka qaateen hawlgalladii ugu dambeeyay ee lagu xoreeyay deegaanno badan oo ka tirsan Jubaland, isagoo ku tilmaamay doorkooda “mid aas-aasi ah” oo horseeday guulo muhiim ah.

Si uu ugu mahadceliyo hawlkarnimadooda iyo iskaashi ballaaran oo ay la yeesheen ciidamada Jubaland, Madoobe ayaa ciidamada Mareykanka guddoonsiiyay billadda sharafta (Medal of Honor) iyo Shahaadooyin Mahadnaq ah.

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubaland iyo dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho. Bishii December 2024, ciidamo federaal ah ayaa loo diray deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose iyaga oo isku dayayay in ay xilka ka tuuraan Madoobe, balse weerarkaasi ayaa ku dhammaaday guuldarro weyn oo ay ciidamada federaalka kala kulmeen Jubaland. Warar ayaa sheegaya in boqolaal askari ay isaga dhiibeen xadka ay la wadaagto Kenya.

Dhacdadan ayaa sii xoojisay kala fogaanshaha u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubaland, waxayna muujisay muhiimadda ay leedahay iskaashiga amni ee lala yeesho saaxiibada caalamiga ah, si loo sugo xasilloonida gobolka.

Jubaland ayaa weli ah goob dagaal oo muhiim ah oo lagula jiro kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waa xuddunta khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex aloosan hay’adaha federaalka ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM