Madaxweynaha Jubaland oo baaq u diray hogaanka Dowladda Soomaaliya
KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo caawa afur sharafeed u sameeyay Qaar kamid ah Masuuliyiinta iyo Tageerayaasha golahii isbadal doonka Jubbaland ayaa sidoo kale daah furay gogosha Shirweynaha dib u heshiisinta iyo nabadaynta Jubbaland.
Munaasabadan ayaa waxaa ka qaybgalay Tageerayaasha golahii isbadal doonka ee heshiiska la galay Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo masuuliyiintooda iyagoo sheegay in caawa laga bilaabo uuna jirin wax isbadal Doon ah oo ay qayb la noqonayaan sidii xooga loo saari lahaa looguna gacan siin lahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam dib u dhiska iyo dardar galinta howlaha horyaala.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa halkaas ka jeediyay ayaa ugu horayn u mahad celiyay xubnahan iyo masuuliyiintooda sida ay ugu tanaasuleen danta Shacabka iyo mustaqbalka Jubbaland waxaa uu intaas ku daray in dalka la wada leeyahay loona baahan yahay in wixii talo iyo turxaan bixin ah ay halkooda kasii wadaan Bulshadana ku garab istaagan in kala aragti duwanaantu marnaba aanay ka dhalan dhibaato dhamaan dadka saamaysa.
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu balan qaaday in albaabada uu u furi doono qof walba oo ka aragti duwanaa oo wax ka tabanayay Dowlada isla markana dhamaan dadka ree Jubbaland loogu adeegi doono si Siman oo aan eex lahayn.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay mar walba ka go’nayd sidii qof walba oo Jubbaland wax ka tabanaya loo dhagaysan lahaa iyadoo taas ay wali hakad ugu jirto dhismaha Xukuumada Cusub isagoo intaas ku daray in dhamaan dadka ree Jubbaland ay halkaas iska wada dhex arki doonan.
Shirarka iyo madalaha lagaga hadlayo Midnimada iyo wadajirka shacabka ayuu sheegay inay socon doonan iyadoo dhamaan dadka ay u furan yihiin wuxuu xusay Madaxweynahu in dib u heshiisintu ay socon doonto oo aanay wakhti kooban noqon doonin.
Dhinaca Kale, Dowlada Federaalka ah ayuu Madaxweynahu sheegay inay mar walba Jubbaland diyaar ula tahay wada shaqayn iyo in wixii kala aragti duwanaan ah wada hadal lagu dhaweeyo sida heshiiska Jubbaland iyo golahii isbadal doonkuba ay khilaafkooda xalka nabada ah uga gaareen Dowlada ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay doorkeed qaadato sidii Bulshada loo midayn lahaa.
Dhinaca kale waxaa uu Madaxweynahu ka hadlay khatarta Xanuunka #Covid19 oo uu sheegay in si aad ah uu Bulshada ugu dhex faafayo iyadoo dadku ay inkirsan yihiin khatartiisa wuxuu sheegay Madaxweynahu in Hay’adaha amaanka iyo Wasaarada Caafimaadka Jubbaland ay go’aamo Cusub soo saari doonan si loo dhaqan galiyo awaamiirta kala fogaanshaha Bulshada.
Dhamaan dadka Ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in Talooyinka Hay’adaha Caafimaadka ay qaatan oo ay sameeyan wixii la faro maadama khatarta xanuunkan ay tahay mid halis ah oo aduunkii oo dhan sameeyay.
Madaxtooyadda Jubaland