Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay odayaasha dhaqanka Dhoobley

Image
Image
Image
Image
Image

DHOOBLEY, Jubaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan oo ka dhacay beerta Nabada ee Magaalada Dhoobley ayaa waxaa Madaxweynahu uu Odayaasha dhaqanka ka dhagaystay aragtiyadooda la xiriirta sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Bulshada iyo Dowlada iyadoo Odayaashu ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen dadaalka Dowlada ee Howlgalada dib u xoraynta ah ee Gobolka ka socda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismahii Jubbaland iyo bilowgii dagaalkii Al-Shabaab lagaga saaray qaybo badan oo Jubbaland kamid ah ay udub dhexaad u ahayeen Odayaasha dhaqanka isla markana ay wax badan oo wanaagsan usoo qabteen deegaanka.

Waxaa Madaxweynahu u sheegay in mar walba loo baahan yahay doorkooda nabadaynta iyo isku haynta Bulshada ah taas oo dadka Soomaaliyeed ay caan ku yihiin.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM