Madaxweynaha Jubaland oo lagu soo dhaweeyay Dhoobley

Image
Image
Image
Image

DHOOBLEY, Jubaland -- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Boqolaal dadweyne ah Masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhawaysay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan sarakiil katirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagan ka howlgala.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intu Dhoobley ku sugan yahay la kulmi doona Dadweynaha iyo masuuliyiinta maamulka Deegaanka.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM