Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay wufuud ka socotey EU iyo IGAD

Image

December 14, 2014 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa maanta kulan saddex geesood ahaa magaalada Kismaayo kula qaatey wufuud ka kala socotey Midowga Yurub iyo IGAD.

Wafdiga reer Yurub waxaa hogaaminayey wakiilka Miowga Yurub u jooga Somaliya Michele Cervone waxaana qayb ka ahaa safiirro ka socdey dalalka: Sweden, Italy iyo UK.

Waxaa sidoo kale kulankaas ka qayb galay xubno ka socdey Urur Goboleedka IGAD iyo safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya.

Qodobo dhowr ah ayaa kulankaas layskula soo qaaday, waxase ugu muhiimsanaa xoojinta ammaanka, dhamaystirka maamulka, la-dagaalanka Al-shabaab iyo hirgelinta heshiiskii mideynta ciidamada ee dhowaan Jubaland iyo Dowladda Federaalku kala saxiixdeen.

Axmed Madoobe iyo Michele Cervone oo markii uu kulankaasi soo gaba gaboobay kadib si kooban warbaahinta ula hadlay, waxay sheegeen in laysku afgartay dhammaan qodobadii laga wada hadlay.

Madaxweynaha Jubaland oo muddo bil ah safarro shaqo dalka dibadiisa ugu maqnaa isla gelinkii hore ee maanta ayuu dib Kismaayo ugu soo laabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM