Madaxweynaha Jubbaland oo Kismayo lagu caleemo saarey [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

12 September, 2015(GO)-Waxa maanta lagu caleemo-saaray magaalada Kismayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Munasabadda waxaa ka qayb galay ma'uuliyiin kala duwan oo ka socatay DFS, maamullada Puntland, Koonfur Galbeed Somalia, Galmudug, xubno ka socday QM, IGAD, Itoobiya, Kenya iyo Turkiga.

Xafladda ayaa goor dambe oo galabta ah dhammaatey, waxaana khudbado kala duwan soo jeediyay xubnaha ka qayb galay iyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhawaan ayaa doorasho ka dhacaday Kismayo waxaa lagu doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo aan weli soo dhisin golihiisa xukumadda.

Garoweonline ayaa idiin soo gudbin doonta xogaha ugu muhiimsanaa caleema-saarkii Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM