Madaxweynaha maamulka Koonfur Gabled oo qarax lala beegsadey

Image

Laba qarax baabuur ayaa goor dhow lagu weeraray kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen ciidamada Amisom, kuwaas oo marayey inta u dhaxeysa deegaanka Carbiska iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxyada ayaa la rumeysan yahay inay ahaayeen baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey oo ciidamada Amisom lagu weeraray, waxaana si aad ah looga maqlay degmada Afgooye iyo deegaanada ku dhow, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in qaraxayada lala damacsanaa baabuurta Shariif Xasan oo xilligaasi la sheegay inuu kasoo baxayey degmada Afgooye oo uu shirar kula lahaa saraakiisha iyo xildhibaano, balse aysan waxba kasoo gaarin.

Illaa iyo hadda lama sheegin wax khasaare ah oo gaaray ciidamada Amisom iyo saraakiisha Soomaalida ah, waxaase lagu warramay in ciidamada Amisom ay xireen waddada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, kadib markii qaraxa uu dhacay.

Baabuur badan oo kuwa dadweynaha ah oo isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye, ayaa iminka ku xanniban jidka.

XIGASHO:VOA

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM