Madaxweynaha PL oo ka tacsiyeeyey geerida Marwo Aamino Abiib
April 9, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas aayaa ka tacsiiyeeyey geerida Marwo Aamino Abiib oo ahayd xaaska madaxweyihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Madaxweyne Gaas ayaa Ilaah uga baryey marxuumadda inuu naxariista janno ka waraabiyo dhammana eheladii iyo qaraabadii ay ka tagteyna samir iyo iimaan ka siiyo.
Galabta ayaa lagu wadaa in marxuumadda aas qaran loogu sameeyo Garowe, waxaana aaskeeda ka qayb geli doono madaxda ugu sarreysa Puntland.
Maamulka iyo hawl-wadeenada Garowe Online waxay ka tacsiyeynayaan geerida Marwo Aamino Abiib.
GAROWE ONLINE