Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal Wasaaraha Ethiopia oo kulmey

Image

February 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kula kulmey Ra'isal Wasaaraha dalkaas Hailemariam Desaling.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay arimo ay ugu muhiimsanaayeen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen dhinacyada ammaanka iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha Somaliya iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galay afartan sano guuradii kasoo wareegtey markii la ridey xukunkii keligii taliska ahaa ee Mingistu Hailemariam.

Xasan Sheekh mudada uu halkaas ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa qaar kamid ah madaxda ka socota caalamka ee xafladda lagu casumey.

Kumannaan ka tirsan militeriga Itoobiya ayaa jooga Soomaaliya kuwaasoo qayb ka ah hawlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM