Madaxweynaha Somalia oo Baydhabo tagay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

15 Octobar, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa maanta gaaray magalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Ujeedka safarka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta DFS iyo maamulkaasi iyo soo xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed Somalia taasi oo mudadan ka socotay maglada Baydhabo.

Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay magalada, waxaana garoonka ku soo dhaweyay mas'uuliyiinta ugu saraysa maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Waxgaradk, Bulshada qaybahooda kala duwan ayuu kula kulmay magalada Baydhabo, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid tahay Xildhibaanada maamulkaasi oo dhawaan la soo xuli doono.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka magalaasi la dhoobay ciidamo tiro badan.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale la kulmay hogaamiyaasha maamulkaasi, waxaana safarkiisu imaanaya xilli uusan wali qabsoominn shil loo ballansana 14 Bishan inuu maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Somalia uga furmo maglada Muqdishu xarunta Somalia.

Lama cadayn sababta u baaqday iyo waqtiga uu qabsoomi doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM