Madaxweynaha Somalia oo furay kalfadhiga 7-aad ee Barlamanka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

25 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 7-aad ee Barlamanka Somalia, kaasi oo ka dhacay xarunta Somalia ee Muqdishu.

Gudoomiyaha  Barlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kalfadhiga kaga warbixiyay waxqabadkii golaha lixdii kalfadhi ee la soo dhaafay, waxuuna sheegay in Xildhibaanadu muujiyeen karti iyo shaqo wanaag.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah, waxa uu diirada ku saaray arrimaha hormarinta Somalia iyo shaqada Barlamanka, isagoo ugu hambalyeeyay shaqada kalfadhigooda 7-aad.

Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday sharciyo horyaala Baarlamaanka oo kamid yihiin sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo sharciga maalgashiga caalamiga ah, kuwaas oo uu xusay inay yihiin kuwo dalka wax badan uga xiranyihiin.

“Waxaaan Baarlamaanka ka codsanayaa in ay dadejiyaan shuruucda oo ay shaqeeyaan habeen,maalin iyo Jimco so howsha loo dardargeliyo,” Ayuu hadalkiisa raacshay.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale shaaciyay in shirar kale lagu qaban doono Somalia kuwaasi oo ku saabsan maalgashiga dalka.

Kalfadhigan ayaa looga doodi doonaa ajandayaal dhawr ah, kuwaasi oo Gudoomiyuhu sheegay inay muhiim yihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM