Madaxweynaha Somalia oo furay kalfadhiga 7-aad ee Barlamanka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

25 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 7-aad ee Barlamanka Somalia, kaasi oo ka dhacay xarunta Somalia ee Muqdishu.

Gudoomiyaha  Barlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kalfadhiga kaga warbixiyay waxqabadkii golaha lixdii kalfadhi ee la soo dhaafay, waxuuna sheegay in Xildhibaanadu muujiyeen karti iyo shaqo wanaag.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah, waxa uu diirada ku saaray arrimaha hormarinta Somalia iyo shaqada Barlamanka, isagoo ugu hambalyeeyay shaqada kalfadhigooda 7-aad.

Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday sharciyo horyaala Baarlamaanka oo kamid yihiin sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo sharciga maalgashiga caalamiga ah, kuwaas oo uu xusay inay yihiin kuwo dalka wax badan uga xiranyihiin.

“Waxaaan Baarlamaanka ka codsanayaa in ay dadejiyaan shuruucda oo ay shaqeeyaan habeen,maalin iyo Jimco so howsha loo dardargeliyo,” Ayuu hadalkiisa raacshay.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale shaaciyay in shirar kale lagu qaban doono Somalia kuwaasi oo ku saabsan maalgashiga dalka.

Kalfadhigan ayaa looga doodi doonaa ajandayaal dhawr ah, kuwaasi oo Gudoomiyuhu sheegay inay muhiim yihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM