Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay hanjabaada fariimaha Taleefanka

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay fariimaha hanjabaada ah ee loo diro dadka qaybtood kuwaasi oo inta badan lagu yaaqaano ururka Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay dhammatay waqtigii fariimaha la isugu hanjabi jirey, maadama la helay technologiyada casri ah oo lagu ogaanayo qofku halka uu fariinta ka soo diray, sidaasna lagu soo qabanayo.

Wuxuu xusay Madaxweynuhu inay wiiqantay awoodii ururka Al-Shabaab isagoo adeegsaday kalmadda ah "waa Yaxaas biyihii ka dhamaaday".

Hadalkan ayuu madaxweynaha Somalia ka sheegay munasaabada ka dhacday Muqdishu, kaasi oo looga hadlayay barnaamij ku saabsan darisaynta degmooyinka Xamar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM