Madaxweynaha Somalia oo la kulmaya Boqorka Sacuudiga

Image
Image
Image
Image
Image

27 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia ayaa shalay boqasho ku tagay dalka Sacuudiga, waxaana maanta la qorshaynayaa inuu kulan la qaato Boqor salmaan-ka dalkaasi.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlaya arrimo la xiriira Somalia, gaar ahaan adkaynta wadashaqaynta ka dhaxaysa Somalia iyo Sacuudiga.

Safiirka Somalia u fadhiya magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle ayaa warbaahinta Afka dowladda ku hadasha u sheegay in labada hogaamiye la qorshaynayo inay kulmaan, kana wada hadlaan qorshayaal dhawr ah oo dalka lagu hormarinayo.

Xasan Sheekh ayaa 26, Octobar, 2015, waxa uu dalka Sacuudi ku tagay safar ay ku weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada Somalia iyo Taliyaha nabad sugidda Cabdiraxmaan Tuur-yare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM