Madaxweynaha Somalia oo Muqdishu ku soo laabtay

Image

12 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku laabtay magalada Muqdishu, ka dib safarro uu ku tagay waddamada Uganda, Jabuuti iyo Sacuudiga.

Gudoomiyaha Barlamanka iyo mas'uuliyiin ka socota golayaasha dowladda ayaa ku soo dhaweyay garoonka diyarahadaha ee Aadan Cadde.

Xasan Sheekh ayaa intii uu joogay dalka Uganda, waxuu kulan la qaatay madaxweynaha dalkaasi iyo madax kale oo ka tirsan gobolka, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka waddamada iyo guud ahaan sidii la isaga kaashaan lahaa ammaanka geeska Africa.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale, magaalada Riyad dalka Sucuudiga uga qeybgalay shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Koonfur America oo ka qabsoomay dalkaasi, isagoo halkaasi ka jeediyay khudbad uu uga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga u dhexeeya waddamada Carabta iyo dalalka Koonfur America.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socday ayaa xalay ku soo cimreystay dhulka barakeysan ee Kacbada, wuxuuna madaxweynuhu ALLE uga baryay ummadda Soomaaliyeed inuu ka dulqaado dhibta heysata.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM