Madaxweynaha Somalia oo u dhoofey Talyaaniga

Image

2 September, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha DFS Xasan Shekh Maxamud ayaa maanta u dhoofey dalka Talyaaniga, waxaana sii sagootiyay xubno ka socda golayaasha dowladda.

Safarka madaxweynaha aya salka ku hayaa ka qayb galka bandhigga Carwo caalami ah oo ka socota dalkasi oo qeyb ka mid ah looga hadli doono maalgashi lagu sameyo Somalia.

Madaxweyne Xasan Shekh ayaa sidoo kale la filayaa in 4 bishan uu Roma kula kulmo madaxweynaha dalka Talyaaniga oo lafilayo inay kawada hadlaan arimo la xiriira xoojinta wadashaqaynta labada dhinaca.

Bandhig carweedkan ka socda magalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa furmay 1-dii May waxaana uu socon doono ilaa 31-ka bisha October, waxaana ka qeybgalay in ka badan 145-dal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM