Madaxweynaha Somalia oo weli Baladweyne ku sugan

Image

22 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia ayaa kulamo kala duwan la yeelanaya waxgaradka ku nool magalada Baladweyne isagoo kala hadlaya dhismaha maamulka gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan kaasi oo caasimad looga dhiga degmada Buulo Burte.

Waxgaradka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay in shirka maamul u samayn lagu qabtay degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe, waxayna sheegeen in lagu dag dagay go'aanka xukuumadda Somalia ku iclaamisay in goobtaasi lagu qabto shirka.

Dadaal xooggan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu jiraa sidii madax dhaqameedka gobolkaasi looga dhaadhicin lahaa inay qayb ka noqdaan madasha, isagoo xusay la'aantood inuusan hirgalayn maamulka labada gobol.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale ka qayb galay munaasabad xilka kula wareegay gudoomiyaha cusub ee gobolka u soo magacaabay Yusuf Dabageed.

Dabageed ayaa sheegay inuu qayb ka qaadan doono dhismaha maamulkaasi iyo adkaynta amniga gobolka loo soo magacaabay.

Ilaa hadda majirto go'aan cad oo ka soo baxay kulamada madaxweynaha balse waxaa socda shirar kale oo bulshada qayb tahay, waxaana kulamadaasi goob joog ka ah wafdiga isaga la socda ee uu ku jiro wasiirka arrimaha gudaha Somalia Cabdiraxmaan Odowaa.

Muddo kooban ayaa wafdigan joogi doonaan magalada Baladweyne, waxaana la adkeeyay amniga iyadoo ciidamo la dhoobay goobaha muhiimka ah ee caasumadda Hiiran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM