Nin Xasan Shiikh adeer u yahay oo Muqdishu lagu diley

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Waxaa saka magalada Muqdisho xarunta Somalia gaar ahaan degmada Wadajir lagu dilay dhaqtar ay qaraabo ahaayeen Madaxweynaha Somalia oo la oran jiray Liibaan Cismaan Cilmi. Liibaan waxaa adeer u ah Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Rag hubaysan oo gaari watay ayaa  rasaas ku furay dhaqtar iyo nin sharci yaqaan ah oo la oran jiray Cabdulqaadir Maxamed Yabarow oo u shaqaynayay wasaaradda cadaaladda Somalia.

Al-shabaab ayaa sheegatay dilka dhaqtarka iyo shaciyaqaanka.

Dhinaca kale, qarax ayaa ka dhacay meel ay fariisan ku leeyihiin ciidamada dowladda Somalia ee xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Afgooye, waxaana ku dhintay hal askari saddex rayid ahna way ku dhaawacmeen.

Ilaa hadda qaraxaasi cidna ma sheegan balse waxaa lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM