Madaxweyne Silaanyo oo booqasho ku tagey xarumaha Cadaalada

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA Dec 14, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kormeer kusoo maray xarumaha Caddaaladda iyo Garsoorka, waxana ujeeddada socdaalkan gaabani ahaa sidii uu ugu kuurgeli lahaa nannaanka shaqo ee hay'dahaan.

Kormeerka madaxweynaha oo ahaa mid laga sii ogaa xarumaha uu booqanayo Dec 13,2015 ayaa waxa uu kusoo maray xarumaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka, xarumaha maxkamadaha Rafcaanka, Gobolka M/jeex, degmada, Xeer ilaalinta Guud iyo waliba maxkamadda Sare, isagoo halkaas kula kulmay mas'uuliyiinta xarumaha la booqday oo warbixino uu ka dhegaystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa ugu horrayn xaruntiisa madaxweynaha ku siiyey warbixin dheer oo la xidhiidha hannaanka shaqo ee guud ahaan bahda garsoorka isagoo hadalkiisa diiradda ku saaray kormeerro xudun u ah dib-u-habayn garsoorka lagu samaynayo oo ku hawllan yihiin,“

Madaxweyne meeshan kolay adiga laguu sheegi maayo oo berigii aad xubinta baarlamaanka ahayd hoolkaad fadhiisan jirtay waa halkan Laakiin dib u habayn weyn oo cadaaladeed baanu wadnaa anagoo bahdayadii oo dhamiba, waxaa ugu danbeeyey waxaan bishii dhawayd ee 11-aad booqanay goboalda galbeedka oo dhan, waxaanu soo marnay maxkamadihii, xabsiyadii iyo meelkasta oo ay cadaaladu shaqo ku leedahay waanu dardar gelinay qof waloo maxbuusa oo xidhan waanu is dul taagnay. imikana waxaa noo qorshaysan asbuucaan aakhirkiisa waxaan u baxaynaa gobolada bari si aan iyagana usoo kormeerno marka (Reform) ku dhinacyo badan buu leeyahoo midi waa dib u habayntii (Institutions) midana waxaa weeyaan adeegii cadaalada oo la balaadhiyo oo dadweynaha la gaadhsiiyo midani waxaa weeye in la xoojiyo inay hay'adaha cadaaladu isla xisaabtamaan oo qofka shaqadiisa lagu daba galo oo inuu dadka u shaqaynaayo la ogaado” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Xaaji Cali.

Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland Md. Axmed Faarax Cadare oo isna halkaa ka hadlay ayaa mud. Silaanyo si weyn ugaga mahadnaqay kormeerkiisa, isagoo hoosta ka xarriiqay in booqashadaan tahay tii ugu horraysay ee madaxweyne kursiga ku fadhiyaa ku tago xarumaha garsoorka, waxana uu yiri, “Madaxweyne  waa markii ugu horaysay ee ay suurta gasho in Madaxweyne xil hayaa uu soo booqdo Bahda Garsoorka, waxana ay ka turjumaysaa markii ugu horaysay eed xilka qabatay waxa ugu horeeyey eed bilowday wuxuu ahaa cadaaalada in dib u habayn lagu sameeyo tiibaa maanta noo ah sharaf inaad goobjoog u ahaato oo kormeer ku soo marto oo aad hubiso halka ay marayso”.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha hortiisa ka sheegay inay ku tallaabsadeen tallaabooyin horumarineed oo dhinaca caddaaladda iyo waliba ballaadhinta iyo daadejinta adeegga bulshada u hayaan oo ay gaadhsiiyeen degmooyinka iyo tuulooyinka ka durugsan caasimadda Hargeysa.

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxana uu bogaadiyey mas'uuliyiintii uu xarumahooda ku booqday, isagoo carrabka ku ballaadhiyey muhiimadda ay caddaaladdu umadda u leedahay.

“Aad baan u dhagaystay baahiyihiina iyo hawsha aad qaranka u haysaan waan idinku bogaadinayaa aad baanan idinku mahad naqayaa hawsha aad haysaan ee fiican ee qiimaha iyo qaayahaba leh, Aniga Farxad weyn bay ii tahay maanta inaan halkan bahda cadaalada kusoo siyaarano oo aanu ka dhegaysano xogwaran buuxa aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin hawl aad iyo aad u weyn baad Somaliland u haysaan ninbaa wuxuu yidhi ragg cadaalad wayey sidii cawsha kala yaacye, cadaaladu waa muhiim waa hawsha dadku ku fadhiyo ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hawshaa idinla qabto” ayuu yiri madaxweyne Silaanyo.

Booqashada saaka  uu madaxweyne Siilaanyo ku tegay xarumaha bahda garsoorka oo ay ku wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada, taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisa gaarka ah, ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee 24-kii sano ee Somaliland dibadda ka ahayd Somalia uu madaxweyne xil haya ku tago xarumahaas bulshada muhiimka u ah.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Xamza oo Kenya ka billaabey kulamo ku saabsan xiisadda kala dhaxaysa Axmed Madoobe 

Kenya waxaa Ciidan ka joogaa Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo meelo kale oo Jubaland katirsan, waxaana ay si dhaw ula shaqeeyaan Axmed Madoobe.

  • Soomaliya

    29-11-2024

  • 11:59AM

Salaam Somali Bank oo ku Guulaysatay Bangiga ugu Fiican Soomaaliya ee xaga Tayada Adeegga iyo Hawlgallada 2024

Somalia: IRBS Awards 2024: 10th Islamic Retail Banking Awards 2024 - Salaam Somali Bank Awards Achievements 

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 08:28PM