Madaxweynaha Somaliland oo tagay xarunta xisbiga Kulmiye

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Iyadoo wali uu taagan yahay muranka xisbiga Kulmiye ee ku aadan shirka golaha dhexe ee xisbigaas, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaayo waxa uu maanta tagay xarunta xisbiga.

Siilaanyo ayaa hadal uu ka jeediyey xarunta xisbiga Kulmiye waxa uu kaga hadlay tartanka xisbiga dhexdiisa, wasiiradii is-casilay iyo kuwa ka tagay xisbiga.

Waxa uu sheegay in xisbigu yahay dimuqraadi, dhexdiisana lagu tartamayo.

Siilaanyo ayaa dhinaca kalena beeniyey eedeymaha wasiiradii is-caislay ee ahaa inuu xubnaha xisbiga kala taageeray, waxaana uu sheegay inuu dhex dhexaad ka yahay arrinta xisbiga Kulmiye.

Xigasho: VOA

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM