Madaxweynaha Somaliland oo u dhoofay Ireland xilli ay kulmeen Daahir Riyaale

Image

27 September, 2015(GO)- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Ireland.

Safarka waxaa ku wehelinaya xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, waxaana uu ku qotomaa casumaad uu sheegay inuu ka helay dalkaasi.

Siilaanyo ayaa kulan kula qaatay madaarka Hargaysa ka hor intuusan dhoofin Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Daahir Riyaale Kaahin, lama oga waxay ka wada hadleen, balse labada mas'uul ayaa isku diyaarad ka raacay garoonka Cigaal.

Madaxweynaha Somaliland oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in safarkiisa Ireland ku ballansanyihiin madax sar-sare, isla markaana kala hadli doonaa qadiyadaha maamulka Somaliland iyo arrimo la xiriira hormarka uu maamulka Siilaanyo Gaarey.

Magalada Dubai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta ayuu Axmed Maxamed Siilaanyo ku sii hakan doonaa ka hor intuusan tagin dalka uu safarkiisu ku qorshaysanyahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM