Madaxweynaha Soomaaliya oo loogu baaqay inuu tago Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loogu baaqay inuu tago Kismaayo, oo ay xilligan ku sugan yihiin mas’uuliyiin kala duwan.

Baaqa ayaa lagu soo beegay iyadoo magaalada Kismaayo isagu tageen Madaxweynayaashii hore ee Qaranka iyo Maamulada, Madaxweynaha Puntland, Xildhibaanno ka tirsan labada aqalka ee BFS, oo uu kamid yahay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari.

Mas’uuliyiintan miisaanka culus ku leh siyaasadda dalka, ayaa ka qaybgalaya caleemo saarka Axmad Madoobe, oo 22-kii bishii August ee 2019 loo doortay mar 3aad Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Farmaajo oo siyaasad ahaan diidan doorashada Axmad Madoobe ayaa safar ugu maqan magaalada Addis Ababa, halkaas oo uga qeybgalay furitaanka beer astaan u noqonaysa midnimada dalka Itoobiya.

Xildhibaanno uu kamid yahay Mahad Salaad iyo Siyaasiyiin, oo qaarkood xilal kala duwan dalka kasoo qabtay ayaa baraha bulshada [Social media] soo dhigay qoraallo ay ugu baaqayaan Madaxweynaha inuu ka faa’ideysto fursadaan, islamarkaana uu tago Kismaayo, inta uu ka qeybgali lahaa munaasabado dalal kale ay leeyahiin, sida furitaanka Beerta Midnimada Itoobiya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in shacabka ay yihiin kuwa sharciyadda siiyay maamulka Farmaajo, islamarkaana aysan jirin xilli uu uga baahi badan yahay dalka maanta in midnimadiisa iyo wadajirkiisa laga shaqeeyo, sidoo kalena lagu hago jidka toosan, ee dib usoo celinta Soomaaliya.

Baaqyadan loo dirayo Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Xukuumadda Soomaaliya ay kordhisay cadaadiska siyaasadeed ee ka dhanka ah Axmed Madoobe iyo go’doominta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jubbaland.

Madaxda Villa Soomaaliya ayaa dhawaan mas’uuliyiin uu ku jiro Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, kahor istaagay iney u safraan Kismaayo halka diyaaradihii tagi jirey magaalada lagu amray iney Muqdisho soo maraan.

Xayiraadda safarka diyaaradaha ayaa saameyn waxay ku yeelatay shacabka, oo dhinac walba ka saameysay, iyadoo ay uga sii dartay xaaladda bini’aadanimo ee ka jirtay degaanada Jubooyinka, oo abaaro ka jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM