Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaan-Sharaf ka qaatey Ciidanka Badda Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo labo maalmood ku sugnaa dalka Itoobiya, ayaa booqday goobaha taariikhiga ah ee dalkaas ka hor inta uusan maanta dib ugu soo laaban Muqdisho, sida ay xaqiijisay Dowladda Itoobiya.

Intii uu ku sugnaa Addis Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Itoobiya. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhanka amniga, dhaqaalaha, iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ganacsi ee gobolka.

Waxaa lagu arkayay muuqaallada warbaahinta Itoobiya baahisay Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaan sharaf ka qaadanaya Ciidamada Badda ee Itoobiya. Tani waxay u muuqato dhoolatus iyo bandhig Itoobiya oo aan lahayn bad  samaysay, iyadoo usoo bandhigtay Caalamka inay dhisatay awood ciidan badeed, si lamid ah dalalka deriska ah, oo Soomaaliya ay ka mid tahay ee badda leh.

Intii lagu guda jiray booqashadda, Xasan Sheekh ayaa sidoo kale booqday Adwa, oo ubax dhigay taallooyinka loo dhisay halyeeyadii dalka Itoobiya ku naf waayey dagaallo iyo halgan. Si ka duwan sidii hore, Abiy Axmed ayaa ku martiqaaday Xasan Sheekh xuska askartii ku dhimatay dagaalkii 1977, ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay uga go’an tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato Itoobiya, oo mudo ku dhaw sanad kala dhaxeeyay xiisada ku salaysan heshiiskii badda ee Abiy la galay Somaliland.

Booqashada Madaxweynaha ee Itoobiya ayaa la kulantay dhalleecayn uga timid siyaasiyiinta mucaaradka, oo u arka mid qalad ah inuu Xasan Sheekh u tago Abiy Axmed oo ay sheegeen inuu ku xadgudbay madax-banaanida Soomaaliya, si cad, isagana ay ahayd inuu yimaado Muqdisho oo raali-gelin buuxda bixiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM