Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay Sharciga Duulista Rayidka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu saxiixay Sharciga Duulista Rayidka Soomaaliyeed, sidda ay shaacisay Madaxtooyadda Qaranka.

Bishii Febraayo ee 2020-kii ayay ahayd markii Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah uu deg-deg u meelmariyey xeerkaan oo kamid ah kuwa ay qaadaceen maamulada dalka.

Sidoo kale, waxaa ka horeeyay Golaha Shacabka oo ansixiyey isla markaana kadib u soo gudbiyey Senate-ka oo coddeyntiisa ugu dambeysay.

"Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya," ayaa lasoo dhigay barta Facebook ee Madaxtooyadda.

Waxaa la raaciyey: "Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah".

Maamuladda kasoo horjeestay shuruuc uu xeerkaan kamid yahay ayaa ku doodey in ay aan laga talogelin, sidaas darteedna loo baahan yahay in dib loo celiyo, balse lama dhageysan dalabyadda ay gudbiyeen.

Dowladda Farmaajo oo muddo xileedka gabaabsi ka yahay ayaa wajaheysa eedeymo ay kamid tahay; isku koobida talada, la tashi la’aanta maamuladda iyo diidmo la xiriirta nidaamka lagu heshiiyey ee federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM