Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland
GO- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maqaal uu ugu magac daray “Ilaalinta Badaha Cas iyo Gacanka Cadmeed” si rasmi ah ugu qoray jariidada caalamiga ah ee Al Sharq Al Awsat. Qoraalkan, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ku sheegay xog horey dowladda Mareykanka u shaacisay oo la xiriirta xiriir qarsoon oo u dhexeeya kooxaha Daacish, Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, isagoo xusay in sirdoonka Soomaaliya xogtan xasaasiga ah uu ka heley.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faahfaahin ka bixiyey in baaritaannada sirdoonka Soomaaliya ay muujiyeen jiritaanka xiriirro joogto ah oo u dhexeeya kooxahaasi, kuwaas oo isdhaafsanayey hub, khibrado ciidan iyo sahay dhaqaale. Isaga oo arrintaas ka hadlaya ayuu yiri: “Waxaa jira is-kaashi hoose oo u dhexeeya kooxaha Al-Shabaab, Daacish iyo Xuutiyiinta Yemen, taas oo khatar weyn ku ah amniga gobolka.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal badan gelisay sidii loo fashilin lahaa isku dayo ay kooxahan ku doonayeen inay Soomaaliya ku soo geliyaan hub iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).
Dhanka kale, maqaalka uu qoray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu ammaanay guulaha ciidamada Puntland ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish ee saldhigyada ka samaysatay buuraha Cal-Miskaad ee waqooyiga dalka. Madaxweynaha ayaa muujiyey in guulahaasi ay muhiim u yihiin xasilloonida Soomaaliya, isaga oo si toos ah u yiri: “Guulaha laga gaaray buuraha Cal-Miskaad waa tiir dhexaadka sugidda amniga badaha iyo Gacanka Cadmeed.” Inkastoo la ogsoon yahay in aanu jirin xiriir rasmi ah ama wada-shaqeyn ka dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ee howlgalladaasi hurmuud ka ah.
Dhinaca kale, qoraalka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo lagu dhaliilayo fashilka ka muuqda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo lagu eedeynayo in ciidamada Federaalka ay burbureen muddadii uu xilka hayey. Madaxweynaha ayaa arrintan uga jawaabay qoraalkiisa isaga oo yiri: “In kasta oo caqabado badan ay jiraan, haddana dadaalkayagu ma yara, waana wadnaa dagaalka aan kula jirno kooxaha xagjirka ah.”
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada uusan ahayn mid ku kooban gudaha Soomaaliya oo kaliya, balse uu yahay mid difaacaya amniga gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Caalamka, gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Ugu dambeyntii, wuxuu baaq u diray dowladaha gobolka iyo beesha caalamka si loo xoojiyo iskaashiga wadajirka ah ee looga hortagayo khatarta sii fidaysa ee kooxaha xagjirka ah.
GAROWE ONLINE