Madaxweynaha Soomaaliya oo Wadahadal la Yeeshay Amiirka Qatar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  wada hadal telefoon la yeeshay Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani.

Wadahadalka ayaa si gaar ah diiradda ugu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo sidoo kale laga hadlay arrimo muhiim ah oo amniga iyo juqraafi siyaasadeed ah oo saameyn ku leh gobolka iyo Soomaaliya.

Warbixinada ka soo baxay warbaahinta gudaha ee Qatar ayaa sheegaya in labada hogaamiye ay isla garteen in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta xiriirada ganacsi iyo siyaasadeed ee ay wadaagaan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar ayaa ahaa mid dhow oo xooggan xilligii madaxweynanimada Farmaajo, iyadoo Qatar ay taageero ballaaran siineysay maamulkaas. Si kastaba, hadda waxaa muuqda isbeddel, iyadoo Imaaraadka Carabta uu xiriir dhow la leeyahay dowladda hadda ka jirta Soomaaliya, taasoo uu hogaamiyo Xasan Sheekh.

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Qatar ayaa sidoo kale muhiim u ah dhanka amniga, iyadoo Qatar ay door muhiim ah ka qaadatay taageerada ciidamada Soomaaliya iyo hawlaha horumarinta ee dalka. Si kastaba, waxaa muhiim ah in la arko sida dowladda cusub ee Soomaaliya ay u maareyn doonto xiriirkeeda la leh wadamada gobolka iyo caalamka guud ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM