Recep Erdogan oo booqasho ku imaanaya Muqdisho

Image

January 22, 2015 (GO)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah soo gaaraan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaiya.

Diyaar garow xooggan ayaa loogu jiraa sidii wafdigaas loo soo dhoweyn lahaa, waxaana si weyn loo adkeeyey ammaanka iyadoo la xiray qaar kamid ah jidadka muhiimka ah.

Dhanka kale waxaa kor loo qaaday bilicda magaalada, calamada Turkiga iyo Somalia ayaana la suray wadooyinka waaweyn iyo xarumaha dowlada.

Booqashada Recep Tayyib Erdogan ayaa noqoneysa tii labaad ee uu Muqdisho ku yimaado. Sanadkii 2011, markaasoo macaluuli ka jirtey qaybo kamid ah gobolada koonfureed ee dalka ayaa Erdogan -oo xilligaas ra'isul wasaare ahaa- iyo xaaskiisu booqasho taariikhi ah ku yimaadeen Muqdisho. Booqashadaas ayaa indhaha caalamka usoo jeedisey Soomaaliya.

Mudada uu Muqdisho ku sugan yahay, Madaxweynaha Turkigu wuxuu la kulmi doonaa madaxda dalka, qaybaha kala duwan ee bulshada isagoo sidoo kale booqan doona mashaariic dowlada Turkigu ka fulisey Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM