Recep Erdogan oo booqasho ku imaanaya Muqdisho

Image

January 22, 2015 (GO)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah soo gaaraan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaiya.

Diyaar garow xooggan ayaa loogu jiraa sidii wafdigaas loo soo dhoweyn lahaa, waxaana si weyn loo adkeeyey ammaanka iyadoo la xiray qaar kamid ah jidadka muhiimka ah.

Dhanka kale waxaa kor loo qaaday bilicda magaalada, calamada Turkiga iyo Somalia ayaana la suray wadooyinka waaweyn iyo xarumaha dowlada.

Booqashada Recep Tayyib Erdogan ayaa noqoneysa tii labaad ee uu Muqdisho ku yimaado. Sanadkii 2011, markaasoo macaluuli ka jirtey qaybo kamid ah gobolada koonfureed ee dalka ayaa Erdogan -oo xilligaas ra'isul wasaare ahaa- iyo xaaskiisu booqasho taariikhi ah ku yimaadeen Muqdisho. Booqashadaas ayaa indhaha caalamka usoo jeedisey Soomaaliya.

Mudada uu Muqdisho ku sugan yahay, Madaxweynaha Turkigu wuxuu la kulmi doonaa madaxda dalka, qaybaha kala duwan ee bulshada isagoo sidoo kale booqan doona mashaariic dowlada Turkigu ka fulisey Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM