Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo oo la eedeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran oo qoraal kasoo saartey xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa eedeymo kala duwan u jeedisay madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedkan, hogaanka Madasha oo ka shiray wadahadalada arrimaha doorashooyinka, ammaan iyo siyaasada dalka ayaa xaaladda haatan lagu jiro waxay ku qeexdey "mid murugsan".

Farmaajo ayay ku eedeeyeen "in u caadeystay ku tumashada dastuurka, curyaaminta howlaha baarlamaanka, in uu meesha ka saarey xukuumadii shaqeyneysay iyo in uu abuuray jahwareer siyaasadeed iyo khilaaf dabo dheeraadey".

"Mas'uuliyad darro iyo kalitalisnimo" ayay ku qeexeen in madaxweynaha uusan ra'iisul wasaare rasmiya magacaabin, "si sharci darro ahna" ku xushay ra'iisul wasaare ku meelgaar ah "arrintaas oo dano shakhsi ah uu ka leeyahay".

Dhamaan shuruucda iyo heshiisyada ay meelmarisay xukuumadda ku meelgaarka ah ee uu hogaamiyo Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayay ku qeexeen in ay yihiin kuwa sharci darro ah oo aanan waddanka looga dhaqmin karin.

Badbaadinta waddanka, doorasho waqtigeeda si wada ogol ah ugu qabsoonta iyo saamileyda oo laga qeybgeliyo wadahadaladda arrimaha doorashooyinka nagu soo fool leh ayay cod dheer kusoo jeediyeen.

Ugu dambeyntii, waddanka oo dib loo celiyo ayay ka digeen iyagoo Beesha Caalamka uga mahadceliyey kuna booriyey dedaalada ay ku bixineyso dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo garab istaagooda Soomaalida.

Hoos ka akhriso bayaanka madasha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM