Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Safiirka Maraykanka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya — Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, oo hoggaaminayay wafdi booqasho shaqo ku yimid gobolka.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland iyo Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan amniga, horumarinta mashaariicda ay taageerto Dowladda Maraykanka, iyo xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya.

Ilo ka tirsan Jubaland ayaa sheegay in labada dhinac ay si gaar ah uga wadahadleen muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada amniga ee dalka, xilli ay socdaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Safiir Riley, oo qoraal kooban ku baahiyay baraha bulshada, ayaa sheegay in kulanka uu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada qaranka si looga guuleysto argagixisada.

“Maanta waxaan Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha Jubaland si aan uga wada hadalno muhiimadda midnimada qaran ee la dagaallanka argagixisada, taas oo faa’iido u ah shacabka Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Danjiraha.

Maamulka Jubaland iyo Dowladda Maraykanka ayaa muddooyinkan dambe wada lahaa iskaashi ku saabsan amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo booqashadan loo arko mid sii adkeynaysa xiriirka labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo taageertay midnimada Soomaaliya, xilli ay iska fogaysay aqoonsiga Somaliland

Go’aankan ka soo baxay Hindiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka jirto Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 12:42PM

Shiinaha oo ka hadlay dib u dhaca booqashada Wasiir Wang Yi ee Muqdisho

Bayaan ay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho soo dhigtay fiidnimadii Jimcaha, ayay Beijing ku sheegtay in la beddelay jadwalkii safarka Wang Yi.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 07:36AM