Madaxweyne fariin hambalyo ah u diray dhakhtar u afduuban Al-Shabaab

Image

HAVANA, Cuba – Madaxweynaha waddanka Cuba, Miguel Díaz-Canel, ayaa hambalyo u diray Assel Herrera Correa, oo kamid ah laba dhakhtar oo muddo hal sano ka badan u afduuban falaagadda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Díaz-Canel ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu howlwadeenkan caafimaad ugu hambaleeyay dhalashadiisa.

Dabley ka tirsan xoogaga gacansaarka al leh Al-Qaacida ayaa kasoo qafaalatay gobolka waqooyi barri Kenya sanadka markii uu ahaa 2019-kii.

Hogaamiyahaan oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dhawaajiyey in uu la xiriiray qoyska dhakhatarka una xaqiijiyey in dowladiisa ay si buuxda u taageereyso.

"Maanta waa dhalashada dhakhtarka reer Cuba, Assel Herrera Correa, kaasoo si nasiib darro ah wali u afduuban. Waxaan telefoonka kula hadlay hooyadiis iyo walaalkiisa. Waxaan u xaqiijiyey taageeradeena iyo dareenkeena," ayuu bartiisa gaarka ah ee xiriirka dadweynaha kusoo qoray maalintii shalay ahayd.

Dowladaha Cuba iyo Kenya ayaa kawada shaqeynaya sidii ay xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen iyagoo nabad ah labadaas dhakhtar, Mr Correa oo daaweynta guud qaabilsan iyo Landy Rodríguez Hernández oo qaliinka u gaara.

Aroornimadii April 12-keeda, 2019 ayay wateen dableyda iyagoo kusii jeeda xaruntii ay ka howlgaleen oo ku taala ismaamulka Mandera.

Warbixino dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in labadooda ay caafimaad qabaan isla markaana lagu hayo degaano kamid ah koonfurta Soomaaliya.

Madaxda Soomaaliya, Kenya iyo Cuba ayaa horey uga wadahadlay sidii loosoo badbaadin lahaa dhakhaatiirta si ay dib ula midoobaan qoyskooda.

Bishii April ee sanadkan 2020 isagoo ka hadlayey hal sano guuradii kasoo wareegatay falkaan afduubka ah, madaxweyne Díaz-Canel ayaa wuxuu meesha ka saarey in ay bixinayaan magdhow ayna si nabad ah kusoo furan doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Ukraine oo Kala Saxiixday Heshiis Dhaqaale Kadib Markii Trump Dood Keenay

Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denys Shmyhal, oo qoraal ku daabacay baraha bulshada ayaa…

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 12:54AM

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM