Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda waddanka Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa Jimcada berri ah wuxuu kusii jeedaa waddanka Jabuuti halkaasoo uu kaga qeybgeli doono shir ay leeyihiin hogaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD.

Ajendaha shirka waxaa kamid ah xaaladda gobolka Tigray ee waqoyga Itoobiya iyo cabashadii ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay dhigeeda Kenya kahor inta aysan xiriirka u jarin - qodobkaas oo la filayo in madaxda ay ka doodaan.

Dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa kadib dagaal saddex asbuuc qaatay waxay gacan ku haynta gobolka Tigray kala wareegtay xoogaga TPLF ee mudada maamulayey.

Dagaalkaas oo boqolaal labada dhinac ah ku dhinteen, kumanaana ku barakaceen ayaa soo jiitay indhaha caalamka iyadda oo Qaramada Midoobay ay baareyso suurtagalnimada in xasuu shacab la geystay.

Ashtakada Soomaaliya ka gudbisay Kenya ayaa salka ku haysa eedeymo "faragelin arrimaha gudaha" iyo "xadgudubyo joogto ah oo dhanka hawada iyo madaxbanaanida waddanka ah".

Uma badna in madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, uu kasoo muuqan madasha shirka. Balse waxaa loo maleynayaa in uu wakiil diri doono ama uu qaab fogaan arag ah kaga qeybgeli doono.

Cilaaqaadka xumaadey ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah natiijo ka dhalatay is-af-garad maamulada Uhuru iyo Farmaajo ka gaari waayeen arrimo ay kamid yihiin dacwadda badda, xayiraadda khaadka, siyaasadda Jubaland iyo arrimo kale oo daahsoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM