Farmaajo oo magacaabay ra'iisul wasaare ku meelgaar ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] u magacaabay ra'iisul wasaare ku meelgaar ah markii baarlamaanka uu kalsoonida kala noqdey wasiirka koowaad Xasan Cali Khayre.

Sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo bogaga xiriirka bulshadda lagu faafiyey, Farmaajo ayaa ugu igmaday Guuleed in uu sii socod-siiyo howlaha xukuumadda "si ku meelgaar ah".

"Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah," ayaa lagu yiri.

Waxaa la raaciyey: "Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed".

"Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya," ayaa lagu daray.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15-ka Ogoosto 2020".

Fadhigii ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen mudaneyaasha Aqalka Hoose ayay ku go'aamiyeen in uu xafiiska baneeyo Khayre, waxaana ogolaatay kalsooni kala noqoshadaas 170, waxaa diidey 8, ma jirin cid ka aamustay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM