Madaxweyne Gaas oo degmada Qandala ku wajahan

Image

April 9, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku wajahan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay in madaxweynuhu soo gaari doono magaalada Bosaso kadibna uga sii gudbi doono dhanka Qandala.

Muddada uu Qandala ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland wuxuu xarigga ka jari doonaa mashaariic dhowr ah oo qayb ka ah barnaamijka JPLG, wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhanka kale, waxaa goor dhow magaalada Bosaso ka baxay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Bari. Wafdigaas oo isugu jira mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo isimmo waxay hordhac u yihiin wafdiga Madaxweynaha.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysey e Madaxweyne Gaas ku tago degmada Qandala tan iyo markii uu xilka qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM