Madaxweyne Puntland oo magacaabey Gudoomiyaha gobolka Nugaal

Image

Sept 16, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa maanta u magacaabey gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulahi Farole isagoo ku xigeen ka dhigey Qaasim Maxamed Cabdi oo ahaa xoghayaha dowlada hoose ee degmada Garowe.

Magacaabista gudoomiyaha gobolka ee cusub ayaa timid bil kadib markii doorashada gudoomiyaha degmada Garowe lagu qabtey caasimada Puntland.

Cumar Farweyne oo horey uga soo noqdey taliyaha ciidamada madaxtooyada Puntland ayaa iminka ahaa taliyaha ciidanka aaga gobolka Nugaal iyo Sool.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona faahfaahin la xiriirta magacabistaan.

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM