Madaxweyne Xaaf oo ka digay in dhulka dab-damiska laga saaaro shacabka degan

Image
Xaaf ayaa sidoo kale dhaleeceeyay shaqada maamulka gobolka Banaadir.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa qabtay shirjraa’id oo ku saabsan go’aanka dowladda Soomaaliya ay soo saartay kuna aadan in la baneeyo dhulka dabdamiska oo ay sanadihii la soo dhaafay dageen dad shacab ah.

“Dhulkaan waa la isku laynayaa dad badan ayaana ku dhimanaya, arrintaan ma shaqeynayso, ee hala nidaamiyo dhulka.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore.

Xaaf ayaa sheegay in dowlad ay waxba lahayn oo shacabka wax walba leeyahay, isaga oo si cad ku sheeegay in shaqada dowladdu ay tahay in ay canshuurto hantida dadweynaha.

Wuxuu intaas ku daray inay waaajib tahay in la maro Sharciga, isla markaana aan tallaabo laga qaadin dadka ku sugan dhulkaas iyadoo aan loo haysan amar maxkamad.

Wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay shaqada maamulka gobolka Banaadir, isaga oo ku eedeeyay in ay marwalba qaadayaan tallaabooyin iska horimaanaya.

Wuxuu soo jeediyay in la cabirro dhulka oo Meter walba qiimo loo gooyo, ka dibna si hoose loo dhameeyo xiisada taagan, iyada oo aan Guriyaha laga burburin shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM