Madaxweyne Xasan oo ka qayb galay shirka Golaha Wasiirrada

Image

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana Shir Guddoominayey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jamac Ilka-jiir, Waxaana kulanka looga hadalay arrimaha degaanka, Warbixino laga dhagaystay Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa, iyo Arrimaha Amniga.
 
Ugu horayntii shirka maanta waxaa golaha kala soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheikh Maxamuud, wuxuuna golaha la soo qaaday arrimaha Bulshada, Nabadgalyada, Dhaqaalaha iyo Marxaladaha guud ee dalku marayo, wuxuuna ku dhiiri galiyey golaha iney dadajiyaan xaqiijinta higsiga 2016, wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu golaha ku booriyey in ay hormuud ka noqdaan raadinta Soomaaliya oo midaysan oo leh nidaam federaal ku salaysan, iyo dar-dar galinta gudiyadda madaxa banaan ee qaranka.

Sidoo kale Wasiiru Dolaha Xafiiska Ra’iiusl Wasaaraha ee Bay’ada Mudane Burci Maxamed Xamza ayaa golaha uga warbixiyey dhibaatooyinka sii siyaadaya ee bacuhu ku hayaan deegaanka, iyo sida bulshada iyo dowladu isaga kaashan lahaayeen nidaam lagu xakamayn karo.

“Sidaad ka waraqabtaanaba Bacuhu kuma jiraan waxyaabaha shiidma ama ay xoolaha calalin karaan sidaas darteed marka ay cunaan waxay sababaysaa in ay caloosha iyo xiidmaha kaga dhagaan kadibna neefkii sidaas noloshii kuwaayo. sidoo kale marka bacaha ay biyaha badda dulsabeeyaan waxay hawada ka xirayaan noole badan oo badda kujira sida kalluunka. Dhul badan oo ku haboon beerasho iyo deegaan ayaa looga tagay baco iyo qashin, waayo marka wax lagu beeray ayaa waxba kasoo bixiwaayeen. Sababtoo ah bacaha waxay xanibayaan macdanta,biyaha iyo hawada ay dhirtu ubaahantahay. Ayuu Wasiiru dowlaha Bay’ada Xil. Burci

Dhanka kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xuseen Ciid ayaa golaha uga warbixiyey safar shaqo oo ay ku tageen dalka Masar, isagoona faahfaahin ka siiyey golaha heshiis is afgarad ah oo ay wada galeen Wasiirada Xanaanada Xoolaha, Kaluumaysiga, iyo Beeraha iyo Wasiirka Kheyraadka dalka Masar oo ay hoos yimaadaan sadexdaas wasaaradood.

“Waxaa ugu muhiimsanaa qodobada aan la soo saxiixanay Wasiirka Beeraha ee Masar Dr.Salaax Hilaal in suuqyada dalka Masar loo furo dhoofinta dhammaan Xoolaha, Kalluunka iyo Wax soosaarka Beeraha Soomaaliya, fududaynta sharciyada u sahlaya dowlada iyo ganacsatada gaarka ah dhoofinta iyo isu gudbinta ganacsiga, in gudaha Soomaaliya laga sameeyo Beer-wadaag ah oo Somalia iyo Masar isla fuliyaan iyadoo dhinac walba leeyahay waajibaadkisa, iyo In laga caawiyo Soomaliya sidii dib loogu howl galin lahaa xarumihii iyo macaahidii farsamo ee Xoolaha, Beeraha iyo Kaluunka si loo helo jiil aqoon leh oo gudan kara waajibkooda. Ayuu yiri Wasiir Ciid.

Ugu danbayntii Wasiirka Amniga mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Hay’adaha Amniga ay sameeyeen diyaar garow looga hortagayo weerarada ka imaan kara kooxaha nabad diidka ah bisha Ramadaan, waxaana sidoo kale goluhu uga mahadceliye Dowlada Imaaradka Carabta qalabkii ay shalay gudoonsiisay Hay’adaha Amniga iyo taageerada dhan kasta ah oo ay la garab taagan yihiin dowlada Soomaaliya iyo shacabkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Kismaayo

Qorshaha weerarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya midkii labaad tan iyo 2019, oo isku daydo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 11:44AM

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey xoojinta iskaashiga garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha, Wang Yu.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 04:18AM